Allbanaadir.com
NEWS

DF oo Switzerland ka codsatay in Kaalamada bani’aadannimo si toos ah u siiso (Sawirro)

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha a Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa  kulan la qaatay madaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Switzerland.

Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Bern ee caasimadda Switzerland, waxaana Ergeyga ku weyliyay safiirka Soomaaliya ee dalkaas, iyadoo looga hadlay kordhinta kaalmada gurmadka abaaraha iyo sidii Switzerland ay Dowladda Soomaaliya uga gacan siin lahayd helista dhaqaalaha loo qoondeeyey waddamada uu is-beddelka cimilada saameeyay.

Ergeyga ayaa Switzerland kala hadlay in si toos ah kaalmada bani’aadannimo loo siiyo Dawladda Federaalka iyo hay’adaha Soomaaliya ee ka shaqeeya arrimaha sama-falka, si loo fududeeyo in gargaarku si degdeg ah u gaaro dadka nugul ee abaaruhu sida daran u saameeyeen, lana dhiso kartida hay’adaha dawliga ah ee Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka sii horreeyay shir ka dhacay Magaalada Genève oo looga hadlayey saameynta masiibooyinka caalamiga ah ee is huwan, badqab la’anta cuntada iyo Isbeddelka Cimilada ay ku leeyihiin qaxootiga iyo barakaca bulshooyinka, kaasoo Ergeygu diiradda ku saaray saamaynta ay Is-beddelka Cimilada ku yeelatay Soomaaliya.

Ergeyga ayaa Dowladda Switzerland uga mahadceliyey kaalmada ay Soomaaliya siiyaan, isagoo ku boorriyay mudnaanta ay siinayaan dalalka gobolka ee ku aaddan iskaashiga horumarinta Switzerland ee hoos yimaada barnaamijka iskaashiga Geeska Afrika.

Ergeyga ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaan la kulmi doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland, kulan ka dhici doona magaalada Zurich, isagoo Jaalidda uga warbixin doona xaaladda guud ee dalka kuna dhiiragalin doona sidii ay qeyb lixaad leh uga qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Caalamka oo ka hadashay Safarada badan ee Dibadda uu u baxay Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Nabadoono lafahooda kala baxsanaya Kismaayo & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Suuragal ma tahay in doorashooyinka Somalia dib loo dhigo Coronavirus awgeed?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---