Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo kulan sagootin ah la qaatay Mohamed Al Hammadi (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay danjiraha xilka ka sii dagaya ee dalka Imaaraadka Carabta Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi.

Safiirka Imaaraadka ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyey sida Dowladda Federaalka ay uga go’antahay adkeynta xiriirka Saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Dowladda Soomaaliya, danjiraha oo xilka ka sii dagaya ayaa sheegay in dowladooda ay markasta diyaar u tahay la shaqeeynta Dowladda Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa danjiraha ku boggaadiyey intii uu xilka haayey inay garab istaag u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeysay abaaraha, ayaa adkeeyey in la xoojin doono xirirka labada baarlamaan ee Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Related posts

Wadahadalo u furmi lahaa dowlada Itoobiya iyo Maamulka TPLF oo dib u dhacay

Caydiid Ali

Maxkamada ciidanka DF oo xukuntay Koox ay ku jirto haweenay oo dhac geysatay

Caydiid Ali

Shimbir Saxmad ka dhigtay Wado Muhiim ah oo xabsi la dhigay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---