Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) RW Xamse oo daahfuray qorshaha Mashruuc $150 milyan ay ku baxeyso

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta daah-furay qorshaha horumarinta korantada dalka oo qayb ka ah qorshaha xukumadda ee tiirka Horumarinta Arrimaha bulshada.

Barnaamijka horumarinta korantada Dalka oo ku baxayso lacag dhan 150Milyan oo dollar, ayna fulinayso wasaaradda korantada iyo biyaha oo kaashanaysa bangiga Adduunka, ayaa soconaya mudo 5 sano ah, waxaana loo qorsheeyay in 11 magaalo oo ka mid ah dalka laga hir-geliyo  koronto gelin loogu samayn doono goobaha waxbarashada iyo caafimaadka ee dhamaan gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa munaasabadda daah-furka ka sheegay in nolosha casriga ah ay korontadu saldhig u tahay oo la’aanteed aan dhaqaale la horumarin karin, amni la sugi karin, waxbarasho iyo caafimaadna la tayeyn karin, sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay in la helo tamar casri ah oo dadkeenna siisa fursad ay dunida kula jaan qaadi karaan.

Xukuumadda Dan-qaran ayaa qorshaheeda siyaasadeed waxaa saldhig  u ah  horumarinta adeegyada bulsho dalka ee ku burburay dagaalladii sokeeye iyo xoreynta deegaannada cadawgu ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo xilka ka qaaday Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan

Cabdi Cade

Puntland oo shaacisay in ay diyaar u tahay ka qeyb galka Shirka Wadatashiga Qaran

Cabdi Cade

Ukraine oo qabatay Nin saaxiib dhaw la ahaa Madaxweynaha Ruushka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---