Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo magacaabay guddoonka Maxkamadda sare iyo Garsoorayaal (Wareegto)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 75 ee 26-ka Oktoober 2022 kuna saabsan Magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Siciid Deni ayaa labo mar oo hore soo magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare iyo garsoorayaasha maxkamadda, hasa ahaatee baarlamaanka ayaa ka diiday kuna wargaliyay iyo mar kale soo magacaabo.

Wareegtada madaxweynaha ayaa u qorneed sida tan :

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkey: Qodobka 80-aad farqadda 18-aad, ee Dastuurka Dowladda Puntland, kuna saabsan Awoodaha iyo Masuuliyadda Madaxweynaha, ee magacaabida Garsoorayaasha Madaxkamadda Sare.

Markuu arkey: Qodobka 90-aad farqadaha 1 iyo 2 ee Dastuurka Dowladda Puntland,
kuna saabsan xubnaha Maxkamadda Sare.

Markuu arkey: Qodobka 91-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland, kuna saabsan shuruudaha lagu noqon karo Garsoore Maxkamadda Sare.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Waxuu xeeriyey
Qodobka 1-aad

Waxaa Mudanayaasha hoos ku xussan loo magacaabey Garsoorayal Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland, mudda xileed 5 sana ah, sida uu qeexayo qod. 90-aad farqadda 3, ee Dastuurka Dowladda Puntland.

1. Xassan Yuusuf Nuur Guddoomiye

2. Axmed Sheikh Cumar Xassan Guddoomiye Ku-xigeen.

3. Saciid Axmed Faarax Garsoore.

4. Maxamuud Cawad Cumar Garsoore.

5. Saciid Maxamuud Maxamed Garsoore.

6. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Garsoore Kayd ah .

7. Aadan Axmed Moxamed Garsoore Kayd ah

Qodobka 2-aad

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

 

Related posts

Farmaajo oo daah-furay Qorshe Saldhig u ah Geedi socodka dowlada (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Ashraf Ghani oo raali galin siiyay Shacabka kana hadlay Sababta uu u baxsaday

Cabdi Cade

Agaasimihii Madaxtooyada Galmudug oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---