Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uu xil ka qaadis ku sameeyay qaar kamid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka.
Guddoomiye Madaale ayaa qoray warqada xil ka qaadista guddoomiyaal degmo , waxaana wararku sheegayaan in guddoomiyaasha xilalka laga qaaday lagu wargaliyay in xilalka laga qaaday una diyaar garoobaan xil wareejin.
Sida aan wararka ku heleyno guddoomiyaasha xilalka laga qaaday ayaa waxaa ku jira guddoomiyaasha degmooyinka Kaxda iyo Xamar Jajab, waxaa sidoo kale jira guddoomiyaal kale oo iyana xil ka qaadistooda la diyaarinayo.
Guddoomiyaasha xilalka laga qaadayo ayaa u badan kuwa aad ugu dhawaa maamulkii hore ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu bedelayaa inta badan xubno katirsan Damul Jadiid ama kuwo aad ugu dhaw dhaw.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in dhawwaan soo magacaabo guddoomiye kuxigeenada maamulka Gobolka/ iyo xoghayaha gobolka, waxaana magacaabista xubnahaasi kaddib la filayaa in guddoomiyaal degmo xilalka laga qaado.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com