Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo furay furay Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigaanka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah ee furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka uga hadlay, Shaqooyinka Dowladda Puntland u qabsoomay intii u dhexeysay labada Kalfadhi iyo qorsheyaasha hortebinta u leh Dowladda.

Siciid Deni ayaa ku amaanay golaha wakiiladda Puntland shaqooyinkii ay soo qabteen, waxa uuna kula dardaarmay in ay dardargaliyaan gudashada waajibaadkooda shaqo inta ka harsan muddo xiloodkooda.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland l, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada , Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada , Goleyaasha Dowladda iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay Aqoonyahanno ku howlan Cilmibaaris muhiim ah

Cabdi Cade

Xildhibaan taageeray Weerarkii lagu qaaday Masjidyo kuyaala New Zealand oo talaabo laga qaaday

Cabdi Cade

Dal ka tirsan qaarada Yurub oo Mamnuucay guurka dadka ilmo adeerka ah (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---