Allbanaadir.com
NEWS

WhatsApp oo Saacado hawada ka maqneed iyo shirkada Meta oo war kasoo saartay

Waxaa saakay muddo saacado ah hawada ka baxay barta caanka ah ee WhatsApp ay kuwada xariiraan dadweynaha, waxaana hakaday bartan oo farriimo la isugu diro sidoo kale la iska waco.

Dad badan ayaana mar qura ku baraarugay cilada ku timid WhatsApp, waxaana xusid mudan in wax farriin ah aadan diri karin sidoo kale uusan kusoo gaari karin farriimaha kale ee adna laguu soo diro.

Shirkadda Meta ee iska leh shabakadda WhatsApp ayaa saakay shaacisay in ay cilad lasoo daristay bartan, waxa ayna xustay shirkadda in lagu guuleestay in la xaliyo ciladan ku timid adeegga WhatsApp.

Barta bulshada kuwada xiriirto ee WhatsApp, waxaa isticmaalaa ku dhawaad 2 bilyan oo qof oo kala jooga daafaha dunnida, waxaana ciladan saameyn xooggan ku yeelatay dad badan oo farriimo iyo warbixino isku dhaafsan jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo Daah-furay Mashruuca biyo balaarinta Hargeysa (Sawirro)

Cabdi Cade

Shaki laga Muujiyay Heshiis dhawaan kala saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya

admin

RW Rooble oo Khudbad xasaasi ah ka jeediyey Shirka garsoorka Soomaaliya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---