Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dacwado lagu soo oogay saraakiil Shiinaha u dhalatay oo hawlgallo ka fuliyey gudaha Maraykanka

Laamaha ammaanka iyo caddaaladdda ee dawladda Maraykanka ayaa sheegay in dacwad lagu soo oogay laba sarkaal oo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin sirdoonka Shiinaha, kuwaas oo isku dayayey inay hor istaagaan baadhitaan iyo dacwad oogis ay laamaha ammaanka ee Maraykanku ay ku wadeen shirkadda teknoolojiyadda Shiinaha ee Huawei.

Labada nin ee loo haysto kiiska shirkadda Huawei, oo lagu kala magcaabo Guochun He iyo Zheng Wang, ayaa lagu eedeeyey inay isku dayeen in ay tilmaamo siiyaan qof u shaqeeya dawladda Maraykanka, kaas oo ay u haysteen inuu la shaqaynayo, waxayna ka dalbadeen inuu la wadaago macluumaad sir ah oo ku saabsan baadhitaanka ay waddo waaxda caddaaladda ee Maraykanku ee ku aaddan shirkadda Huawei.

Xogta ay rabeen inay helaan ayay ku jirtay, caddaymaha la horgeynayo maxkamadda, markhaatiyada iyo hadday jiraan eedo cusub oo lagu soo oogayo. Mid ka mida eedaysanayaasha ayaa bixiyey illaa $61,000 si uu xogta u helo, sida ay sheegtay waaxda caddaaladdu.

Kiisaskan ayaa lagu shaaciyey shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen masuuliyiinta ugu sarreeya hay’adda FBI-da iyo waaxda caddaaladda ee Maraykanka, waana arrin aan marwalba dhicin in masuuliyiinta labadan hay’adood ay wada qabtaan shir jaraa’id oo wadajira, hase ahaatee arrintan ayaa muujinaysa miisaanka ay leedahay iyadoo dhinaca kalena farriin u ah, ka hortagga galaangalka Shiinaha ee gudaha Maraykanka.

Waaxda caddaaladda ayaa soo saartay amar lagu soo xidhayo labadan nin, hase ahaatee ma cadda in illaa haatan lagu guulaystay in xabsiga la dhigo iyo in kale.

Washington ayaa muddo dheer ku eedaynaysay Beijing inay farogelin ku hayso siyaasadaha gudaha ee Maraykanka, iyaga oo xadaya sirta Maraykanka iyo weliba xogta ganacsiga.

Illaa 11 kale oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa lagu soo oogay dacwado kala duwan oo ay ku jiraan, inay u cago-jugleeyeen ama dhibaateeyeen shakhsiyaad ku sugan gudaha Maraykanka.

Agaasimaha FBI Christopher Wray ayaa yidhi “Waxay isku dayaan inay aamusiyaan qof kasta oo ka soo horjeeda xatooyada ay sameeyaan – ha ahaadeen shirkadaha, siyaasiyiinta, iyo shakhsiyaadka kaleba – si la mid ah waxay isku dayaan inay aamusiyaan qof kasta oo ka soo horjeeda xadgudubyada ay sameeyaan,” ayuu yidhi.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka Merrick Garland ayaa sidoo kale ku dhawaaqay dacwad lagu soo oogayo afar qof oo kale oo u dhashay dalka Shiinaha kuwaas oo loo haysto, inay isticmaaleen machad dhinaca aqoonta ah, iyaga oo ujeedadoodu tahay inay soo iibsadaan qalab iyo tiknoolojiyad xasaasi ah, iyaga oo dhinaca kalena isku dayey inay dhexgalaan mudaharaado ay u arkayeen inay wejigabax ku yihiin dawladda Shiinaha.

DAwladda Maraykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay xabsiga dhigtay laba qof oo kale oo loo malaynayo inay la shaqaynayaan dawladda Shiinaha, kuwaas oo u hanjabay qof ku nool dalka Maraykanka, iyaga oo doonayey inuu ku laabto Shiinaha, arrintaas oo qayb ka ah, hawlgalka ay Beijing ugu magac dartay “Operation Fox Hunt”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somtel oo Abaalmarisay Macaamiil badan oo hadiyado qaali ah ku guuleestay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xubno qirtay in ay katirsan yihiin Al Shabaab oo xukun dil ah lagu riday (Magacyada+Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka hadlay Dagaalka ka dhanka Al Shabaab baaqna u diray shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade