Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dad ka badan 150 qof oo lagu dilay dagaal beeleed ka dhashay muran dhulka ah (Sawirro)

Gobolka Blue Nile ee dalka Sudan ayaa la sheegay in ka badan 150 qof in lagu dilay dagaallo beeleed ka dhashay muran la xiriira dhinaca dhulka.

Guddoomiyaha gobolka Blue Nile Axmed al-Omda Badi ayaa ku dhawaaqay in degaanka Wed al-Mahi lagu soo rogay Bandow habeenkii ah, ka dib markii ay soo cusboonaadeen dagaal beeleedka u dhexeeya qabiilada Hausa iyo Berti.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahi, iska horimaadkan ay ku dhaawacmeen boqolaal kale, iyada oo ay ku barakaceen kumanaan qof oo ku noolaa degaankaas

Abdulatti Ahmed oo ka mida dadka ku nool magaalada al-Damazine ayaa sheegay, in wararka ka imanaya deegaanka Wed Al Maaxi inay tilmaamayaan in guryo la gubay, hantidana la kala dhacayo, wuxuuna xaaladda ku tilmaamay inay tahay mid aad looga naxo Wuxuuna intaas ku daray in dhimashadu ka badan tahay illaa 160.

Dawladda dhexe ee Sudan ayaa ciidamo u dirtay deegaanka ay ka dhaceen dagaal beeleedadu, si ay u xakamayso xaaladda isla markaana u kala dhex gasho labada beelood ee dagaalamaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jawaari iyo Xildhibaano taageersan oo tagay xarunta Xalane lana kulmay Fransico Madiera (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo War kasoo saartay Shirka ay isugu imaanayaa DF iyo Maamulada

Cabdi Cade

Maxkamadda Ciidamada oo saakay Xukun dil ah ku fulisay labo nin oo Dilal geestay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---