Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo dil ku fulisay nin dilay Wiil iyo Aabihiis

Al Shabaab ayaa maanta fagaare kuyaala Degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhaxe waxa ay xukun qisaas ah kula fulisay nin 51-sano jir ahaa oo horey u dilay wiil iyo Aabihiis kunoolaa deegaan hoostaga Saakow.

Maxkamada Al Shabaab ayaa xukun dil ah maanta ku fulisay Cali Max’ed Cali oo 51 sano jir ah oo lagu helay in uu dilay wiil iyo aabihiis oo lagu kala magacaabo Aadan Cali Nuur iyo  Cali Aadan Cali .

Ninkan xukunka dilka ah maanta lagu fuliyay ayaa la sheegay in labadan qof dilkooda u adeegsaday Sunta dooliga, waxaa sidoo kale suntaasi waxyeelo gaarsiisay sadex caruur ah oo markii dambe bad baaday.

Qaadiga Maxkamadda ee magaalada Saakow ayaa sheegay in ninka dilka geystay uu Maxkamadda ka hor qirtay falka uu kula kacay dhibanayaasha kaas oo ka dhacay tuulo hoos tagta Saakow.

Al Shabaab ayaa inta badan xukuno dil ah ku fulisa dadka dilka ka geesta deegaanada ay maamulaan , waxa ay sidoo kale Al Shabaab xukuno dil ah ku fulisaa askarta iyo dadka kale ee dowlada u shaqeeya ee gacantooda soo gala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo mar kale loo doortay Madaxweynaha cusub ee Jubbaland

Cabdi Cade

Dad boqolaal kun gaaraya oo dibed-baxyo waaweyn ka dhigay Maraykanka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

R/Wasaare Jacinda oo diiday in ay ku dhawaaqdo magaca ninkii Muslimiinta ku laayay New Zealand

Cabdi Cade
Taboola Ads ---