Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir hore oo sheegay in Ciidamada NISA gurigiisa kusoo weerareen

Maxamed Cumar Geedi oo dowladii hore kasoo noqday Xildhibaan iyo Wsaiir kuxigeenka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya ayaa sheegay in xalay saqdii Dhaxe ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya gurigiisa kusoo weerareen.

Waxa uu sheegay Maxamed Cumar Geedi in saqdii dhaxe xalay iyaga oo hurda in gurigiisa xoog kusoo galeen ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya uu sheegay in wajiyada u xirnaayeen.

”Xalay Saqdii Dhaxe gurigeyga oon ka dheereyn xarunta Madaxtooyada waxaa nagu soo weeraray ciidamo afka duuban oo darbiyada nooga soo dhacay , cabsi weyn ayaan nala soo daristay,waxaa nasiib daro ah in ciidankii Nabad sugida oo aheyd in ay sugaan amaanka masuuliyiinya iyo shacabka in loo adeegsanayo siyaasad, dowlada Soomaaliya masuulkii ka aragti duwan in guriga loogu dhacayo waa nasiib daro” Ayuu yiri Mr Geedi.

Waxa uu sheegay Xildhibaankan hore in Ciidamada Nabad sugida si fool xun ula dhaqmeen xalay isaga iyo masuuliyiin kale oo guriga la degnaa, waxa uuna tilmaamay in dowladii ay darteed u dakanoobeen in maanta iyadii kala kulmayaan cabsi galin.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin hadalkan kasoo yeeray Maxamed Cumar Geedi oo Dowladii Xasan Sheekh kasoo noqday Xildhibaan iyo sidoo kale Wasiiro hadana kamid ah Siyaasiyiinta dowlada mucaaradsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Burcad dadka shacabka Nafta u keenay oo lagu qabtay Degmada Dayniile

Cabdi Cade

S/Guuto C/llaahi Shire (Dool) & Saraakiil kale oo xilal muhiim ah loo magacaabay (Akhriso)

Caydiid Ali

Meydka Wiil Soomaali Mareykan ah oo laga dhax helay Wabiga Mississippi

Cabdi Cade