Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka Gobolka Hiiraan oo guddoomay gaadiid dagaal iyo saanad Milateri (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan mudaneĀ  Cali Jeyte Cismaan oo ay wehliyaan Xildhibaan Cabduqaadir Maxamuud Oow-Bakar Dhagaweyne iyo Xildhibaan Guhaad Cabdulle Jimcaale oo ka tirsan Barlamaanka Dowlad Gobaleedka Hirshabelle ayaa gaaray degmada Feer-feer, iyagoo deeq ka koobaan Gaadiid Dagaal Raashiin, Daawo iyo Saanad ciidan kala wareegay madax ka socotay dowlad deegaanka Soomaalida.

Deeqdan kala duwan ayey dowlad deegaanka Soomaalida ugu tala gashay inay ku taakuleyso Bulshada iyo Maamulka gobolka Hiiraan wada Howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelle ee dowlad degaanka Soomaalida Aadan Axmed Sooyaan oo ay wehliyaan Saraakiisha Nabad-galyada dowlad degaanka ayaa Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ku wareejiyay 2-gaari oo ah Cabdi-Bile ah Gaari Raashiin iyo Daawo ah iyo Saanad kale oo ciidan.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa uga mahadceliyayĀ  Guddoomiyaha gobolka Shebelle iyo madaxda hogaanka Nabad-galyada Garab istaagida joogtada ah ee u hayaan shacabka reer Hiiraan oo dagaalka kula jiro Al-shabaab.

Cali jeyte ayaa xusay in markii koowaad aysan aheyn ee ay madaxda Dowlad deegaanka Soomaalida sameeyaen garab istaag midaasoo ah buu yiri dareen walaalnimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dalal aan muslim ahayn iyo Xisbiyo waa weyn oo taageeray Falastiin Eedeyna u jeediyay Israa’iil

Cabdi Cade

Iran oo ku shaacisay in Jawaab deg deg ah ka bixin doonto Weerarkii Israa’il

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Telfoon kula hadlay Cabdifitaax Al Sisi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---