Raisul Wasaaraha dalka Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii maanta Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Tawakal ee magaalada Kismaayo.
“Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu naxariistii Janno siiyo dhammaan shuhadada ku shahiiday weerarkii fulaynimada ahaa ee ay argagixisadu ku beegsadeen maanta shacabkii harsanayaayey hotel Tawakal ee Magaalada Kismaayo inta ku dhaawacantayna uu u booga dhayo” ayuu yiri Xamse.
Waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay taagan yihiin quus, uuna jiritaankooda ka haray maalmo kooban.
“Dagaalka gebo-gebada maraya ee aan kula jirno khawaarijta waa mid marka ay xanuunsadaan ay isku dayi donaan in ay dhibaateeyaan shacabkeenna biri-magaydada ah, Marka waxaan kula dardaarmayaa dadkeenna in ay sabarka iyo adkaysiga badiyaan maalmaha kooban ee ka hartay nolosha khawaarijta” ayuu yiri RW Rooble.
Dadkeennu way guuleysteen wayna u midoobeen cadowgooda midka ah ee khawaarijta ah.”ayuu intaas ku daray Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Weerarkaas oo isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah ayaa waxaa ku geeriyooday 9 qof, halka 42 kale ay ku dhaawacmeen, Al-shabaab ayaana masuuliyadiisa sheegatay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com