Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa si kulul uga hadlay weerarkii al-shabaab ku soo qaadeen hotel Tawakal isagoo sheegay in sidii ay damacsanaayeen aysan waxbo ugu hirgalin.
“Waxaan tacsi u dirayaa dadka aan waxba galabsan ee ku waxyeeloobay qaraxii maanta ka dhacay hotelka Tawakal ee Magaalada Kismaayo halkaas oo argagixisadu ay doonaysay inay ku layso dad badan oo shacab ah balse ay qaar badan oo dadweynahii goobta ku sugnaa ah ay soo badbaadiyeen Ciidamada amniga” ayuu yiri Axmed Madoobe
Waxaan u Hambalyaynayaa ayuu yiri dhammaan Ciidamada kala duwan ee mudada kooban ku soo afjaray weerarka.
“Waxaan Alle uga baryaya inuu janadii fardowso ka waraabiyo dadkii ku shahiiday goobta si gaar ahna Ciidamadii ilaa daqiiqadahii u danbeeyay naftooda u hurayay sidii ay usoo badbaadin lahayeen dadka shacabka ahaa ee ku xayirnaa dhismaha” ayuu intaas ku daray
Waxaa uu ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed inay u duceeyaan dadkii ku naf waayey maanta weerarka hotel Tawakal, ayna u diyaar garoobaan sidii buu yiri argagixisada hororka ah dalkeena aan uga cirib tiri lahayn” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Dhinaca kale Wasiirka Amniga gudaha Jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo warbaahinta Dowladda la hadlay ayaa faahfaahiyay howlgalkii dhawaan soo gabagaboobay iyo sida ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka ay u muujiyeen dadaal iyo karti horseeday in khasaaruhu uu yaraado inta badana shacabkii hotelka kujiray la badbaadiyo.
S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa xaqiijiyey in la dilay saddax xubnood oo Hotelka ka dhex dagaalamaysay, isla markaana ay weerarkaas ku geeriyoodeen 9 qof, halka 42 kale ay ku dhaawacmeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com