Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jubbaland oo shaacisay in la soo afjaray weerarkii hotel Tawakal ee Magalada Kismaayo

Telefishinka dowlad Goboleedka Jubaland ayaa caawa sheegay in la soo afjaray hawlgalkii ka socday Hotel Tawakal Kismaayo, lana laayey dhammaan kooxdii weerarka fulisay ee ka dagallamayay gudaha Hotelka.

Afar qof oo rayid ah ayaa ilaa haatan la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarka ay Al-Shabaab ku qaaday hotelka Tawakal, halka qaar kalena ku dhaawacmeen.

Ciidamada amniga ee mamaul goboleedka Jubaland ayaa waday ilaa duhurnimadii hawlgal ay doonayaan inay ku soo af-jaraan weerarkaasi oo goobjoogayala ay sheegeen inay gaysteen 4 dablay ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa bilowday waxyar kadib duhurnimadii maanta ayaa ku bilowday qarax, kadibna dagaalyahano hubaysan ayaa galay hotelka.

Dadka dhintay waxa ku jiray arday iskuul oo meesha marayey markii uu weerarku bilowday. Waa weerarkii labaad ee noocan ah ee lagu qaado hotel ku yaalla magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada Xisbiga Jamhuuriga oo ku dhegan qorshe uu wato Madaxweyne Biden

Caydiid Ali

Laascaanod: Ilmo 20 saac ku jira Suuli uu ku dhacay (Sawirro)

Caydiid Ali

Booliska DF oo qabtay nin loo heysto dil ka dhacay Magaalada Nairobi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---