Masuulka ku deg dega inuu hubanti ku meelmariyo fulinta hawlgal uusan ka fiirsan wuxuu ku dambeeya hubanti la’aan inuu ku guuldareysto. Madaxweyne HSM wuxuu si hubanti la’aana ugu deg degey fulinta dilka Axmed Cabdullahi Cabdi Caydiid oo ahaa eedeysane tabanaya si cadaaladdarro ah in Xukuumadii Farmaajo oo uu dagaal siyaasadeed kala dhexeeyey masuulkii uu waardiyeynayey uu sabab ugu noqday iney ku xukuntay dil toogasho ah.
Garsoorku waa inuu u xaqsooraa dhibanaha iyo eedeysanaha, iyadoon la fiirin darajada ay kala leeyihiin labada qof oo mid walbana la siiyo cadaaladda uu mudan yahay. Axmed Caydiid ma helin cadaaladii uu xaqsoor ahaan u mudnaa, waxeyna ahayd in la siiyo fursad labaad oo ay maxkamadu dib ugu dhageysato eedeysanaha dacwada toogashada ah lagu xukumay.
Axmad Caydiid wuxuu ahaa askeri ka tirsan ciidanka qaranka oo uu waajibaad ka saarnaa ilaalinta masuulka ay dowladu amnigiisa u xilsaartay. Dilka Axmed Caydiid wuxuu horseedayaa in askarta u xilsaaran ilaalada madaxda aysan ku dhiiran gudashada waajibaadkooda marka ay timaado halis soo foodsaarta amniga madaxda ay ilaalinayaan.
Madaxweyne HSM haddii uu rumeysan yahay oo uu isleeyahay dil uu ku fuliyo eedeysane dhibane u ah cadaaladdarro ayaa dilkiisa waxaa looga cabsanayaa xukunkaaga, taas bedelkeeda waxey dhacdadaas ifineysaa in hogaamintiisu ay tilmaan raaceyso habdhaqanka kelitalisnimo ama mid cabireysa taloxumo siyaasadeed oo uu ku doonayo inuu ku beerlaxawsado beelo gaara oo uu ka doonayo iney ku taageeraan dib u soo doorashadiisa.
Dil lagu fulinayo askeri dhalinyaro ah oo gudanaya waajibaadka loo xilsaaray ma mudna in lagu saleeyo qancin qabiil, taas oo Meesha ka saareysa hubinta ku dhaqanka sharciga dowladnimada. Waxaa kaloo dood ay ka taagan tahay jiritaanka maxkamadaha ciidanka tayadooda iyo garsooreyaasha aqoontooda iyo waayoaragnimadooda.
Dowlad aysan u dhisneyn kaabeyaasha garsoorka loogu xaqsoorayo shacabka ma ahan iney fuliso dil toogasho ah, maxaa yeelay hanaankii xaqa ahaa ee uu eedeysanuhu isku difaaci lahaa Meesha ma yaalo, taas oo ay ka dhalaneyso tacadiyo garsoorxumo oo ay dad badan ku waayaan xuquuqda noolaanshahooda.
Gaar ahaan dal ku jira dib u dhis dastuur iyo mid sharci waa ka xaaraan in dowladiisu fuliso dilal toogasho ah, xataa haddii ay cadeymo u haysato dembiyada ay u cuskaneyso dilalkooda, waayo waxaa maqan maxkamad ay cadaaladeedu ka madaxbanaan tahay dowladda, waxaana sidoo kale meesha ka maqan hayaddii ka hortegi lahayd dilalka siyaasadeysan oo lagu fulinayo habraacyada mu’aamaraadka qorsheysan oo ay madaxda dowladda iyo hawlwadeenadeedu ay ku maleegayaan.
Dilka Axmed Caydiid waa mid ka turjumaya dil siyaasadeed qorsheysan oo uu eedeeda iska leeyahay Madaxweyne HSM, loona baahan yahay in lagala xisaabtamo gaboodfalkaas uu geystey, taas oo cadaaladdarro weyn ku ah ciidanka iyo qoyska marxuumka oo lagu dulmay cadaaladxumada Madaxweyne HSM.
Taariikhda waa dhacdaa in ruux la dilo, laakiin marna ma dhaceyso in ka xisaabtanka dhagarta gaboodfalkaas ay noqoto mid dhimata ama laga aamuso oo samar iyo iimaan laga qaato. Wakhti ay noqotaba waxaa imaaneysa kafaarogud u dhiganta tacadigaas uu geystey Madaxweyne HSM.
Waxaaa dulinimo muteystay cida marxuunka ku mateleysa dowladda oo gabey iney cadaaladda dowladnimo ugu hiiliyaan marxuumkaas oo ay metelaadiisa aakhiro iyo adduunba ay qoorta gashadeen. Kuwaas oo xaqiiqda runta ah aan ku difaaci karin shacbkooda, haddana taas bedelkeeda u guulwadeyn iyo daneysi gaar ahaneyd ka door biday waajibaadka ay siyaasad ahaan ugu xilsaaran yihiin bulshadooda.
W:Q Prof. Saciid Ciise Maxamuud
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Maine, Texas, USA
Fiiro gaar ah: Fikrada qoraalkan waxay u gaar tahay shaqsiga ku saxiixan, kama tarjumeyso aragtida Allbanaadir Online, waana fursad u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa isagoo aan cidna ku xad gubeynin..