Allbanaadir.com
NEWS

DF oo bilowday qorshe cusub oo lagu curyaaminayo dhaqaalaha soo gala Al-shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sameysay hab gaar ah oo shacabka Soomaaliyeed ugu soo gudbin karaan dadka aruuriya lacagaha al-shabaab ka qaadaan Ganacsatada.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Wasiirrada Maaliyadda, Amniga iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarrada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxaa faahfaahin looga bixiyay farriinta ka soo baxday Dowladda.

Wasiir ku xigeenka Wasaarrada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa sheegay in Dowladdu sameysay lambaro gaar ah oo ay gacanta ku hayaan shaqaale loo tababaray.

“Dowladda Faderaalka waxay shacabka iyo Ganacsatada ugu baaqeysaa in ay la soo xiriiraan lambarada ay dowladdu ugu talogashay la dagaalanka lacagaha baada ah ee Argagixisada ay ka qaadaan Shacabka”.ayuu yiri Wasiir cadaala.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka ayaa ganacsatada xasuusiyay inay ka feejignaadaan in hantidooda loo adeegsado hub lagu soo iibiyo in lagu gumaado Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Amniga Somalia ayaa isuguna tilmaamay in go’aanka loo qaaday si loo xoojiyo dagaalka iyo kacdoonka ka dhanka ah Al-shabaab.

“Wey dhamaatay lacagtii baada ee ay khawaarijta ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed, dowladdu wey ka go’an tahay cirib tirka Argagixisada” ayuu yiri Wasiirka Amniga Maxamed Doodishe.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SHIRKA JARAAID KA JEEDIYEY WASIIR CADAALADA OO KA SOO BAXAY DOWLADA

Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya markii ay aragtay in lacagaha baada ah ay Al-Shabaab ka qaadayaan Ganacsatada Soomaaliyeed oo ay u adeegsanayeen qaraxyada ay ku beegsadaan Goobaha dadweynaha, dilalka qorsheysan & werarada tooska ah oo ay ku hayaan Bulshada Soomaaliyeed.

Markii ay aragtay dowladda waajibka ka saaran ilaalinta hantida sharafka iyo ammaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyada oo dardar gelineysa dagaalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab & kooxaha kale ee Argagaxisada ah, waxay Maanta ku dhawaaqeysaa hab lagula dagaalamayo lacagaha ay ka qaadaan dadka Soomaaliyeed.

1-In dadka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan sidii dowladdu u heli laheyd dadka Al-Shabaab u qaabilsan qaadida lacagaha baada ah oo ay ka qaadaan Ganacsatada Soomaaliyeed, isla markaana ay dowladda kala soo xiriiraan tel: 0610404036 ama 0610404037.

2-Tallaabadan waxaa ay qeyb ka tahay dagaalka Maaliyadeed ee ka dhan ah Al-Shabaab oo ay dowladda kula jirto, isla markaana xogta ay shacabka dowladda la wadaagaan ay muhiim u tahay in la wiiqo awooda Al-Shabaab lana yareeyo dilalka qorsheysan qaraxyada.

3-In dowladda Soomaaliya ay cadeeyneyso in tallaaba kasta oo uu qaado muwaadin Soomaaliyeed ee xog ka haayo Al-Shabaab aaladaha ay u isticmaalaan qaadista lacagaha inay u aqoonsan yihiin muwaadin ka qeyb qaatay badbaadinta nafta dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo badan oo saakay lasoo dhoobay Muqdisho iyo Wadooyin badan oo la xiray

Cabdi Cade

Beesha Caalamka oo War culus kasoo saartay abaabulka dagaal ee ka socda Garawe

Cabdi Cade

Maraykanka iyo Israel oo ka fekeraya dhismaha Maamul-Gobaleedka Qasa iyo Ururka Xamaas oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---