Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo Bogaadiyay Shaqada ay hayaan Wasiirro uu la kulmay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Heer Federaal iyo kan Dowladd Goballeedyada.

Wasiiraddan oo maalmihii la soo dhaafay shirar uga socday caasimada Dalka ee Muqdisho ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey nuxurka shirarkii ay galeen iyo shaqooyinka ay umadda Soomaaliyeed u hayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey dadaalka ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan isagoo kula dar-daarmay in bulshada lagu wacyi galiyo in khayraadka badaheena ku jira la soo baxaan sidoo kale ay tababaro iyo gacan qabad siiyaan ganacsatada yar yar ee ku hawlan sidii ay badda wax ugala soo bixi lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Geerida Ilmo yar oo Saacado un dhalnaa oo sabab u noqday in Wasiir uu is casilo

Cabdi Cade

Somaliland oo sheegtay inuusan khuseyn go’aanka DF ku xireyso qunsuliyada Itoobiya ee Hargeysa

Caydiid Ali

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---