Allbanaadir.com
NEWS

Maxamed Bin Salmaan oo looga digay in uu ka qeyb galo Shir Madaxeed ka dhacaya Algeria

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ahna Ra’isul Wasaaraha dalkaasi Maxamed Bin Salmaan, ayaa ka baaqanaya in uu ka qeyb galo shir madaxdeedka madaxda wadamada Carabta ee lagu wado in uu ka dhaco dalka Algeria.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maxamed Bin Salman uusan ka qeyb galeyn shirka madaxda Carabta oo 1-da bisha November ka dhacaya dalka Algeria, waxaana Amiirka safarkaasi uga digay in uu u baxo dhaqaatiirtiisa.

Bayaan kasoo baxay dowladda Algeria ayaa lagu sheegay in Amiir Maxamed Bin Salman uusan ka qeyb geleyn shirka dhacaya dalkooda, waxa ayna dowladdu sheegtay in Amiirka u muujiyay sida uu uga xun yahay ka baaqashada shir madaxeedka Carabta.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa sheegtay in wadahadal dhinaca telfoonka uu dhax maray Ra’isul Wasaare Maxamed Bin Salmaan iyo Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune, mana sheegin wasaaradda in Maxamed Bin Salman shirka ka baaqday.

Dalalka Carabta madaxdooda ayaa lagu wadaa in dalka Algeria isugu yimaadaan shir soconaya 1-da ilaa 2-da bisha November, shirkan ayaana diirada lagu saari doonaa arrimo badan oo quseeya wadamada Carabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shimbiro dhibaato ku hayay garoon diyaaradeed oo loo helay xal lagu cabsi gelin karo

Cabdi Cade

Madaxtooyada Somalia oo War kasoo saartay Shirka Sadex Geesoodka ee ka dhacaya Asmara 

Caydiid Ali

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada DF oo ku biiray xisbiga Waddani

Cabdi Cade
Taboola Ads ---