Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo kormeeray xarunta Dab-damiska iyo Gaadiidka Gobolka (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Dab-damiska iyo Gaadiidka Dowladda Hoose ee Xamar, si uu ugu kuurgalo Howlaha shaqo ee loo haayo Bulshada ku dhaqan Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa howlwadeena Dab-damiska iyo Gaadiidka Dowladda Hoose ee Xamar ka dhageystay howl maalmeedyada iyo caqabadaha shaqo, Asigoona kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan howlaha adag oo ay u haayaan Bulshada.

Yuusuf Madaale ayaa ku amaanay howlwadeenada dabdamiska shaqada ay bulshada magaalada Muqdisho u hayaan, waxa uuna ku dhiiro galiyay in halkooda kasii wadaan shaqada ay hayaan.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar dhibaato badan ku qaba gaadiidka dabdamiska oon si degdeg ah ugu soo gurman marka xaafadahooda ka kacaan dab, waxaana dabdamiska muddo ku qaadataa in ay soo gaaraan goobaha dabku ka kaco.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Hub aan caadi aheyn oo saaka Shabaab laga furtay

Caydiid Ali

Daawo Video:-Ninkii alifay ama ugu horeeyay aaladaha farsamada iyo mashiinada dhaq dhaqaaqa ee dunida !!

admin

Mucaaradka DF oo Ganacsatada uga digay iibsiga dhulal la boobay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---