Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Taalibaan oo howlgal ku dishay xubno katirsan Daacish oo Weeraro xooggan ka geestay Kabul

Ciidamada amniga maamulka Taalibaan ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afganistan ku dilay xubno katirsan kooxda Daacish, kuwaa oo lagu eedeeyay weeraro khasaaro geestay in ay geesteen.

Afhayeen u hadlay kooxda Daacish ayaa sheegay in ciidamada amniga dileen lix xubnood oo katirsanaa kooxda Daacish, kuwaa oo la sheegay in ay ku dhuumaaleesanayeen qeybo kamid ah magaalada Kabul.

Waxa uu ku eedeeyay afhayeenka xubnaha la dilay ee katirsanaa Daacish in ay ka dambeeyeen weeraro dad badan lagu dilay oo ka dhacay masaajid iyo sidoo kale xarun waxbarasho oo kutaalla Caasimadda Afganistan.

Weerarada lagu eedeeyay in ay geesteen xubnahan katirsan kooxda Daacish ee la dilay ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 50-qof oo shacab ahaa, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Kooxda Daacish ee ku sugan qeybo kamid ah dalka Afganistan ayaa geesta weeraro argagaxiso, Taalibaan ayaana kooxdaasi oo aragti ahaan hadda kala duwan yihiin dagaal kula jirta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo tacsi u dirtay shacabka iyo dowlada Spain

Caydiid Ali

Guddoomiye Amiir oo ku baaqay in Muqdisho laga dhigo dowlad Goboleed

Cabdi Cade

Shirkii sannadlaha Hay’adda Himilo oo lagu qabtay Magaalada Amsterdam [SAWIRRO]

admin
Taboola Ads ---