Allbanaadir.com
NEWS

Askar kusoo dhaawactay Dagaalkii Masjid Cali Gaduud oo Muqdisho la keenay (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay ku booqday Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dhaawacyada Ciidamo shalay dagaal culus kula galay Al Shabaab Deegaanka Masjidka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dhaawacyada oo askar u badnaa ayaa la keenay magaalada Muqdisho si loogu daaweeyo, waxaana dhaawacyada qaar la sheegay in xaaladooda cusleed halka kuwa kalana ay qabeen dhaawacyo fudud.

Sidoo kale Guddoomiyaha waxa uu eebe ugu baryay dhamaan dhaawacyada kusoo waxyeeloobay Howlgalada dalka loogu xoreynayo Al Shabaab in uu caafimaad deg deg ah Alle siiyo, Asigoona xusay in ay garab taagan yihiin ciidamada kala gedisan ee Qalabka sida iyo Shacabka Dagaalka kula jira Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Argagixisada, isla markaana Ciidanka Qaranka lagu garabsiiyo sidii guud ahaan dalka loogu xoreyn lahaa Kooxaha banneystay nafta, maalka iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xafiiskii Taliye ku-xigeenka koowaad ee heyadda NISA oo la jabsaday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo shaacisay Magacyada Masuuliyiin dhimasho & dhaawac uu ka soo gaaray qaraxii shalay

Caydiid Ali

Madaxweynaha Dowlada Turkiga oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---