Maxkamada ku taalla magaalada Solna ee dalka Sweden ayaa maanta xukun ku riday taksiile 27 jir ah oo lagu helay kufsi iyo faraxumayn uu u geystay 10 haween ah.
Ninkan ayaa lagu helay labo dambi oo isugu jira kufsi, saddex isku day kufsi, labo faraxumeyn iyo xarig sharci darro ah. Waxa lagu waayay laba isku day kufsi.
Sida laga soo xigtay xafiiska xeer ilaalinta , dambiilaha ayaa adeegsaday rabshado aad u daran inta badan, waxaana uu isku dayay inuu ku caburiyo mid ka mid ah dhibbanayaasha maro.
Dembiyada ayaa dhacay intii u dhaxaysay 2021 iyo 2022 waxayna ka dhaceen dhammaan Stockholm.
Haweeney da’yar oo lagu magacaabo Matilda ayaa ahayd dhibbanihii ugu horreeyay ee ninkaas bishii Ogosto ee sannadkii hore. Dabadeed, lixdii bilood ee xigtay, wuxuu faraxumeeyay dhowr dumar ah oo ku fadhiyay kursiga dambe ee baabuurkiisa.
Eedeysanaha ayaa diiday inuu wax dambi ah galay, isagoo u sheegay maxkamadda, “Aniga ma ihi dembiilaha. Waxba maan samayn, waxaan ahay qof aan waxba galabsan.”
Hase ahaatee Booliiska ayaa Maxkamada hor keenay cadeymo dhnaca DNA-da ah oo muujisay kufsiyo badan oo uu geystay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com