Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shir looga hadlay qodob muhiim ah oo ka dhacay Madaxtooyada Somalia (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Mudane Salah Jama ayaa maanta xafiiskiisa shir kula yeeshay xubno kamid ah Golaha Wasiiradda Xukuumadda.

Shirkan ayaa oo looga hadlayey Isbadalka Cimilada Adduunka iyo saamaynta uu dalkeenna ku yeeshay.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa Wasiiradda ka dhagaystay warbixinno ku saabsan hawlaha Wasaarad walba ku leedahay Isbedelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Salah Jamac ayaa  dhankiisa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan qaabkii Wasaarad walba uga qayb qaadan lahayd ilaalinta deegaanka oo shalay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu daahfuray mashruuca dhiraynta dalka oo loogu magac daray Soomaaliya cagaaran oo dalkoo dhan dhir lagu beerayo.

Waxaa shirka qayb ka ahaa Wasiirada Wasaaradaha Maaliyadda, Qorshaynta, Deegaanka, Kalluumasiga iyo Khayraadka Badda, Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Waraabka iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Shirkan ayaa ku soo beegmay xili ay dalka ka jiraan abaaro ba’an oo daba dheeraaday kuwaasoo loo sababeeyey roob yaraan ka dhalatay isbedelka cimilada ee saameeyey dunida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Feeryahankii caanka ahaa ee Mike Tyson oo mar kale soo laba kacleeyey, dhowaana la tartamaya..

Caydiid Ali

Xildhibaan Fiqi oo faahfaahin ka bixiyey kulankii Fahad Yaasiin & Shiikh Shariif

Caydiid Ali

Amnesty oo shaacisay xasuuq ka dhacay gobolka Tigray & Abiy Ahmed oo ka hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---