Diyaaradaha Drones-ka Iran ee halka mar la isticmaalo oo Suuq xoog leh yeeshay, kaddib markii Ruushku diyaaradahaa ka soo iibsaday Iran una isticmaalay dagaalka Ukraine.
Diyaaradaha Drones-ka Iran ee Shahid-136 ayaa aad uga raqiisan kuwa Bayraktar TB2 ee uu Turkigu sameeyo oo xabaddii lagu iibiyo 5 Milyan oo dollar, waxaana halkii drone ee nuuca Iran ay joogtaa 20 kun oo dollar oo keliya.
Waxay qaadaysaa madax qarxaya oo 40kg ah kaasoo la hagayo, soo noqodna malahan iyada dhan ayaa bartilmaameedka ku qarxaysa waa dayuurad ismiidaameysa.
Dhanka kale sawaariikhda la hago ee meelaha fog fog gaara ayaa halkii madax ee dagaal waxa uu culeyskiisu gaarayaa 480kg, halkii Gantaalna wuxuu joogaa 1 Milyan oo dollar.
Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa dhowaan shaaciyey xanibaado cusub oo ay ku soo rogeen Iran ka dib markii lagu eedeeyey iney Ruushka ka iibisay hub loo adeegsaday dagaalka Ukraine inkastoo Iran ay beenisay arrintaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com