Allbanaadir.com
NEWS

Geedo Qurux badan oo lagu talaalayo Jidadka Muqdisho (Daawo Sawirada)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna ‪Duqa Muqdisho ayaa maanta ka qeyb qaatay olole lagu dhirigelinayo jidadka caasimada, isla markaana lagu beerayay dhir, kaasi oo ka biloowday degmada Waabari ee Gobolk Banaadir,

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay in tilaabadaan ay tahay mid lagu soo celinayo bilicda caasimada,  magaaladu ay u ekaato sidii ay bari samadkii ahaan jirtay.

“Waa u jeedaan maanta ee geedo casri ah ayaan ku beereeynaa magaada Muqdisho, ujeedaduna tahay in aa soo celino bilicdii, waxaan horay u balan qaadnay in shacabka loo adeego, bilicda la soo celiyo, magaaladu sidii ay bari samadkii ahaan jirtay ay ku soo noqoto, tan waa tusaalo, waa biloow, shacabku u bilaawnay” Sidaas waxaa yiri Eng. Yariisow.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ka codsaday qofkasta oo Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho  in gurigiisa hortiisa uu ku abuuro geed, si bilicda caasimadu  quruxbadnaato.

“Waxaan rabnaa qofkasto oo Soomaaliyeed gurigiisa hortiisa in uu geedo ku beero, qof kasto oo Soomaaliyeed in uu bilicda nagala qeyb qaato, waayo magaalada madaxda hadaanan bilic ka dhigin, Soomaaliya oo dhan bilic ma noqoneyso, marka waa wax isku xiran, waajib na wada saaran waaye, anaga waajibkaas in aan ka soo dhalaalno waa waxaan u dhaaranay maamulkana u heyno, sidaa darteed bahda saxaafada waxaan ka codsaneeynaa in ay nagala qeyb qaataan wacyiglinta arinta u baahantahay, Soomaaliya Soomaali baa iska leh, cid dibada aan wax ka sugeeyno ma jirto, waa in aan isku tashano”.Ayuu yiri Yariisow

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe waxaa dib usoo laabanayay bilicdeeda   , waxaana horumarka iyo bilic soo celinta Magaalada qeyb lixaad leh ka qaatay maamulka Gobolka Banaadir .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhalinyaro Soomaali ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay London (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo shaaciyay Cawaaqib xumada ka dhalan karta xadgudubka Itoobiya

Cabdi Cade

Wasiirkii Reerka Afgaanistan ee sida lama filaanka isugu bedelay Cunto geeye !(Sawirro)

Cabdi Cade