Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qalalaase dad lagu dilay oo ka dhacay Magaalada Qudus iyo Daanta Galbeed

Askarta Israa’iil ayaa toogasho ku dilay qof Falastiini ah Daanta Galbeed, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Falastiin, mid Falastiini ah ayaa middi ku dhaawacay askari Israa’iil magaalada Qudus.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadoodu isku dayayeen in ay qabtaan gaari kadib markii rakaabkii la socday oo si sharci darro ah ugu gudbay Israa’iil. iyagoo intaas ku daray in gaariga uu baxsaday oo uu ku dhacay askari, kadibna “askarta ay rasaas ku fureen gaariga”.

Mid ka mid ah rakaabka ayaa ku dhintay isbitaalka sida ay sheegeen saraakiisha isbitaalka Falastiin. Aabaha dhalay ninkan ayaa sheegay in wiilkiisa uu ku wajahnaa shaqo markii la toogtay. Ma cadda in uu haysto ogolaanshaha gelitaanka Israel iyo in kale.

Dhacdo kale oo ka dhacday Daanta Galbeed, saraakiisha difaaca Israa’iil ayaa sheegay in darawal falastiiniyiin ah uu baabuurkiisa ku jiiray goob ay waardiye ka hayeen, taasoo ay ku tilmaameen weerar.

Jerusalem, booliska Israa’iil ayaa sheegay inay toogteen falastiini mindi si xun ugu dhaawacay dad Israa’iiliyiin ah. Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay qofka looga shakisan yahay in uu weerarka geystay oo isagoo dhaawac ah yaalla goob ay ku cayaarayeen caruur kubad.

Rabshadaha ka socda Daanta Galbeed ayaa sii kordhayay bilihii la soo dhaafay, kuwaasoo mararka qaar ku soo qulqulayay magaalada Quddus,kadib markii ciidamada Israa’iil ay billaabeen howlgal ay daba-yaaqadii bishii March ka fuliyeen Falastiiniyiinta Israel.

Wadahadallada nabadeed ee Maraykanku garwadeenka ka yahay, oo ujeeddadiisu ahayd in lagu soo afjaro colaadda tobannaan sano jirsatay iyo in dawlad Falastiin laga dhiso Daanta Galbeed, Bariga Quddus iyo Gaza, ayaa burburay 2014-kii, mana jiraan wax calaamad ah oo lagu soo noolaynayo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar Ismiidaamin ah oo saakay lagu qaaday xero ay joogeen Milatariga Soomaaliya

Cabdi Cade

Trump oo laga diiday in laga iibiyo Jaziirada Greenland kana carooday go’aankaas

Cabdi Cade

Amaanka Muqdisho oo faraha kasii baxaya iyo ciidamada amaanka oo howlgalo bilaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---