Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dab qabsaday buurta ugu dheer Afrika & dowlada Tanzania oo la tacaaleysa (Sawirro)

Dowlada Tanzania ayaa la tacaaleysa daminta dab weyn oo ka kacay buurta ugu dheer Afrika ee Kilimanjaro oo ku taalla woqooyiga dalkaas meel ku dhow xadka Kenya.

Dabka ayaa halkaa ka bilowday shan maalmood ka hor gaar ahaan wuxuu saameeyay keymaha baaxada leh ee ku yaalla agagaarka buurta.

Lamana ogo waxa sababay dabkan oo markii hore ka bilowday goob ay ku nastaan dadka dalxiisayaasha ah ee soo booqda buurtaas

Shaqaalaha dab damiska ayaa isku dayayaa inay dambiyaan dabka hase ahaatee cows qalalan oo dabku qabsanayo iyo dabeylo xoogan oo halkaas ka jira ayaa xaalada sii adkeeyey, kuwaasoo sababay in dabku ku baaho dhul baaxad leh

Lama ogo khasaaraha ka dhashay dabka iyo baaxadda uu gaarsiisan yahay keymaha uu baabi’iyay dabka. Mana ahan markii ugu horreysay uu dab ka kaco buurta Kilimanjaro ee Tanzania.

Sanadkii 2020-kii ayay aheyd markii keymaha buurta uu saameeyay dab socday toddobaad kaasoo baabi’iyay dhul gaarayo kumannaan hektar.

Diyaarado Helicopter ah ayaa lagu wadaa in la geeyo markii ugu horeysay si ay gacan uga geystaan ​​joojinta dabka.

Buurta Kilimanjaro waa meesha ugu sarraysa ee Afrika, waxaana lagu tiriyaa iney tahay buurta ugu sarreysa ee foolkaanada adduunka oo dhan wuxuuna joogeedu gaaraya 5,895 mitir.

Sanadihii la soo dhaafay, buurta iyo nidaamka deegaanka ee ku xeeran waxay la kulmeen caqabado ay ka mid yihiin wasakhowga biyaha iyo hawada, faragelinta xayndaabyada beerta, jarista sharci darrada ah, ugaarsiga. Isbeddelka cimiladu waxay sidoo kale ku riixday barafka buuraha iyo barafyada inay dhalaalaan.

“Heerka dabka aan aragno maanta waa heer cusub,” ayuu yiri Marcell Peters, oo ah bare sare oo ka tirsan Jaamacadda Würzburg ee Jarmalka oo bartay nidaamka deegaanka ee Kilimanjaro tan iyo 2010.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Cumar Filish oo dhagax dhigay dhismaha xarumo cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Qalbi-dhagax:”Kooxda Farmaajo waxay isku dayeen iney joojiyaan safarkeyga Muqdisho

Caydiid Ali

Laftagareen Shahaado KMG ah siiyay XildhibaanadII K/Galbeed lagu doortay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---