Magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga waxaa kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsane.
Waxa uu sheegay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya kawada hadleyn arimo muhiim ah ay ku jiraan xaalada dalku marayo iyo sida ugu haboon ee mustaqbalka lagu wajihi karo .
”Waxaan booqasho ugu tegey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud. Waxaan ka wada hadalnay xaalada dalku marayo iyo sida ugu haboon ee mustaqbalka lagu wajihi karo. Kulankeena wuxuu ku soo idlaaday isfaham iyo iskaashi.” Ayuu yiri Mr Warsame.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo degan dalka Turkiga ayaa la sheegay in uu geed fadhi u yahay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowlada uu hogaamiyo Farmaajo ayaa qorsheenaya in ay midoobaan si ay cadaadis xoogan u saaraan dowlada sidoo kale saameyn ugu yeeshaan doorashada dalka ka dhaceysa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com