Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maskaxdii ka dambeysay in Trump loo doorto Madaxweyne oo xabsiga la dhigay

Steve Bannon  Ninkii arrimaha istaraatiijiyadda u qaabilsanaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump, ayaa lagu riday xukun 4 bilood ah oo xabsi ah kadib markii uu diiday inuu u hogaansamo amar ka soo baxay Kongareska Mareykanka

Bannon oo 68 jir ah ayaaa lagu riday labo xukun ah oo kala ahaa in uu diiday in uu caddeymo ama dokumentiyo u gudbiyo guddigii baarayay rabshadihii ka dhacay xarunta Capitol ee Mareykanka 1-dii bishii January 2021-kii.

Ninkan ayaa sidoo kale lagu xukumay inuu bixiyo ganaax lacageed oo gaarayo $6,500 oo doolar.

Steve Bannon ayaa beeniyay in wax dambi ah uu galay wuxuuna eedeymaha loo jeediyey ku tilmaamay kuwo dano siyaaasadeed laga leeyahay oo ay ka dambeeyaan xisbiga Dimoqraadiga ah ee haya talada dalka Mareykanka.

“Maanta xukun ayaa la iigu riday, racfaan adag ayaan ka qaadan doonaa” ayuu yiri Steve Bannon oo la hadlayay wariyeyaasha.

Garsoore Carl Nicholas ayaa sheegay in Bannon la sii deyn doono isla markaana la xallin doono racfaan kasta uu ka qaadanayo xukunka lagu riday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Kenya oo War cusub soo saaray

Caydiid Ali

Xabaal wadareed laga helay degaan ka tirsan Sh/dhexe oo laga saaray Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Kheyre oo la kulmay Gudoonka Guddiga Doorashooyinka & Xubno kale (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---