Ciidamada Taliban ayaa howlgal ay habeenkii xalay ka fuliyeen magaalada Kabul ku dilay lix xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish.
Afhayeen u hadlay Taliban Qari Yuusuf Axmadi ayaa sheegay in xubnaha Daacish ee lagu dilay goob ay ku dhuumanayeen ay ku lug lahaayeen laba weerar oo culus oo toddobaadyadii tagay ka dhacay dalkaasi.
labada weerar Midkood ayaa ayaa lagu qaaday masjid ku yaalla magaalada, halka kan kalana lagu qaaday iskuul halkaasi oo lagu dilay toboneeyo gabdho da’yar ah sida uu afhayeenku sheegay.
“Waxa ay ahaayeen kuwii weeraray masjidka Wazir Akbar Khan iyo sidoo kale Kaaj Institute,” ayuu yiri Axmadi oo sheegay in askari ka tirsan Taliban lagu dilay howlgaalka.
Weerarka qaraxa ah ee 30-kii September lala beegsaday qeybta ay gabdhuhu wax ku bartaan ee Machadka Kaaj ayaa waxaa ku dhintay 53 qof oo u badnaa gabdho iyo haween da’yar.
Weerar 23-kii September lagu qaaday meel u dhow Masjidka Wazir Akhbar Khan ee ku yaalla goobta amnigeeda aad loo adkeeyo ee mar ahayd “Aagga Cagaara” ee ay degenaayeen safaaradaha shisheeye ayaa isna lagu dilay ugu yaraan 7 qof, iyadoo dad ka badan 40 qofna ay ku dhaawacmeen, Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda labadaasi weerar.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com