Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Mxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hogaaminayey wakiilka gaarka ah eeĀ IGAD ee arrimaha Soomaaliaya Dr. Mohamed Guyo iyo kuxigeenja Arrimaha Siyaada Somalia UNSOM Mr. Raisedon Zenenga.
Madaxweynaha Puntland kulanka uu la qaatay IGAD iyo UNSOM waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo horumarinta ree miyaga, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.
kulankan ay yeesheen Madaxweynaha Puntland iyo wafti ay hogaaminayeen wakiilka gaarka ah eeĀ IGAD ee arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa looga ahadlay amniga guud ee gobolka, xaaladaha binaāaadanimo iyo siyaasada Soomalaiya.
Dr. Mohamed Guyo iyo Mr. Raisedon Zenenga Ā ayaa uga mahad naqay MadaxweynhaĀ Puntland kulanka uu kula qaatey xafiiskiisa, isla marāahaantaana uga mahadnaqay soo dhowaynta iyo sida wanaagsan ee uu ugu qaabailay xafiiskisia .
Dhinca kale Madaxweynaha Puntland ayaa Ā tilmaamay in Puntland ay marwalba u taagantahay sidii loo heli lahaa dowladnimo soomaaliyeed oo buxda kuna dhisan sinaan iyo Ā caddaalad, iyo sidii soomaaliya xaaladeeda guud ee amni wax badan looga badeli lahaa.
Sidoo kale wakiilka Ā gaarka ah eeĀ IGAD ee arrimaha Soomaaliaya Dr. Mohamed Guyo iyo kuxigeenja Arrimaha Siyaada Soomaaliya UNSOM Mr. Raisedon Zenenga, ayaa Puntland ku amaanay doorka iyo kaalinta Ā siyaasadeed ay ka qadatay nabada, xasilinta, isdhexgalka iyo sidii loo abuuri lahaa jawi nabdeed oo soo af jara dhibaatadii dheereed ee ay soo martay Soomaaliya.
Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa beesha caalamka uga mahad celiyey dowrka muhiimka ah ee ay ka qaadato wax ka qabashada arimaha soomaaliya Ā gaar ahaaan amniga iyo siyaasada, sidoo kalena kulaa dar daarmayĀ inay sii xoojiyaanĀ wadada loo marayo sidii soomaaliya loogu toosin lahaa jidka nabada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com