Allbanaadir.com
NEWS

Ciidankii beesha Murusade iyo masuuliyiintii hoggaamineysay oo Maxaas gaaray (Sawirro)

Waxaa saakay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan gaaray ciidankii beesha Murusade ee dhawwaan tagay gobolka Hiiraan, kuwaa uu qorshuhu yahay in ay usii gudbaan gobolka Galgaduud gaar ahaan degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Ciidanka beesha Murusade uu hoggaaminayo Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baledweyne, waxa ayna ciidankan saakay gaareen degmada Maxaas ay ka bilaabayaan abaabul dagaal.

Sida aan wararka ku helnay ciidankan iyo ciidamo kale oo wehlinaya ayaa qorshuhu yahay in ay u dhaqaaqaan gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanada beeshaasi degto oo ugu horeyso deegaanka Wabxo oo ku dhaw Maxaas.

Ciidamada Beesha Murusade ayaanay saakay saldhig ciidan ka sameestay degmada Maxaas, waxa ayna ciidankan joogi doonaan degmadaasi maalmaha abaabulka dagaal socdo, iyagoona usii gudbi doona gobolka Galgaduud.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo lagu cadaadinayo inuu kursiga baneeyo iyo shirkii Xalane oo..

Caydiid Ali

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo Weji cusub yeeshay iyo arin cusub oo kusoo korortay

Cabdi Cade

Daawo:- Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharci in mudda ah muran badan ka taagnaa & Mahdi Guuleed oo shaaciyay!!

admin
Taboola Ads ---