Allbanaadir.com
NEWS

Xus loo sameenayo Labo Oday oo Sabab u ahaa in lala Dagaalamo Al Shabaab oo socda (Sawirro)

Waxaa saakay xarunta tayaatarka Qaranka Soomaaliya ka socda xus weyn oo  loo sameenayo labo oday oo reer Hirshabelle, kuwaa oo sabab u ahaa in dadka deegaanka hubka qaataan lana dagaalamaan Al Shabaab .

Xuskan loo sameenayo Hibaad Cali Dasar oo ahaa ninkii Sh/Dhaxe ka aas aasay macawuusley la dagaalantay Al Shabaab iyo Nabadoon Cilmi Hagar Guurre oo isna qeyb ka ahaa dagaalka ka socda Hiiraan ayaa waxaa soo agaasintay wasaaradda arrimaha gudaha.

Labadan oday ayaa ku dhintay dagaalka Al Shabaab looga soo horjeestay, waxa ayna wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ugu tala gashay in lagu xasuusto labadan nin halgankii ay bilaabeen ee ka dhan ahaa Al Shabaab.

Xarunta tiyaatarka ee ka socoto munaasabadda waxaa ku sugan masuuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya, odayaal dhaqmeen iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Xuskan ayaa imaanaya xilli qeybo kamid ah dalka uu ka socdo dagaal hormuud u yihiin dadka deegaanka oo looga soo horjeedo Al Shabaab, dagaalkan ayaana sababay in beelaha qaar ku dhiiraan in ay la dagaalamaan Al Shabaab kana saaraan deegaano badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

NISA oo Muqdisho ka fulisay howlgal lagu bur buriyay Shabakad katirsan Al Shabaab hubna …

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo beri safar ku tagay Saddex gobol oo ka kala tirsan maamulada…

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Khayre oo soo gebagebeeyey la xisaabtanka Golihiisa Xukuumadda

Caydiid Ali