Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Afrika oo Shaaciyay xilliga uu furmayo Wadahadalada Dowladda Itoobiya iyo TPLF

Midowga Afrika ayaa wada dedaalo uu ku doonayo in lagu soo afjaro colaada dhiiga badan ku daatay ee u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo kuwa taabacsan jabhada TPLF ee ku xooggan Waqooyiga dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya iyo Jabhada TPLF ayaa labaduba aqbalay in ay ka qeyb galaan wadahadalada nabadeed ee xal loogu raadinayo colaada dadka badan noloshooda ku waayeen ee wali ka taagan gobolka Tigrey.

Midowga Afrika ayaana shaaciyay in wadahadalka u dhaxeeya xukuumadda Abiy Axmed iyo Jabhada TPLF uu furmayo 22-ka bishan oo ku beegan isniinta, waxaana wadahadalan garwadeyn ka noqonaya madaxweynayaal hore oo arrintan loo xil saaray.

War kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in rejo ka qabaan in natiijooyin wax ku ool ah kasoo baxaan wadahadalada nabadeed ee xalka loogu raadinayo colaada ka aloosan Waqooyiga dalka Itoobiya.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya viyo jabhada TPLF ayaa qarxay dabayaaqadii sannadkii 2020, waxaana dagaalka inta uu socday ku dhintay kumanaan qof oo isugu jira shacab iyo ciidan halka kumanaan dad ahna ku barakaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo khudbad u jeediyey ciidamo loo diyaariyey xoreynta J/dhexe (Sawirro)

Caydiid Ali

Deni oo Magacaabay xubnaha Puntland ku metelaya guddiga doorashada heer federaal

Caydiid Ali

Erdogan oo Putin ku qanciyey inu ku laabto heshiis uu maalmo ka hor ka baxay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---