Iyada oo indhaha adduunweynaha ay kusii jeedaan dalka Qatar oo lagu qaban doono sannadkan koobka adduunka, waxaa dhawaan la daahfuray Matxafka Islaamiga ee Doha kaas oo ka qeyb noqon doona bandhigyada ay xiiseeyaasha kubadda cagta kala kulmi doonaan caasimadda Dooxa.
“Waxaan nahay matxafka ugu weyn ee Islaamiga oo ku yaalla Bariga Dhexe,” ayuu agaasime Julia Gonnella, u sheegay wakaaladda AFP.
“Halkee kale ayaad ka baran kartaa taariikhda iyo raadreebyada Islaamiga ah oo aan halkan ka ahayn,” ayuu is weydiiyay.
Matxafka waxaa la furay sannadkii 2008. Wuxuuna ahaa mid loogu tala-galay in lagu keydiyo sooyaalka iyo sheekooyinka – af, qoraal iyo agab – intaba ee ku saabsan dunida Muslimka.
In ka abadn 1,000 agab ayaa ku diyaar ah hadda gudaha Matxafka kuwaas oo qaarkood weli aan horay bandhig loogu sameynin hadda kahor.
“Waagii hore waxaan kaliya loogu dowgalay keydka suugaanta, hadda waxaa ku lammaanan dhaqanka iyo hiddaha,” ayuu yiri Gonnella.
“Waxaanu dooneynaa inaan sheekooyinkii dhacay aan u tebinno si soo jiidasho iyo dareen taabad leh.”
Ku dhawaad 1.2 milyan ayaa la filayaa inay noqdaan taageerayaasha kubadda cagta ee booqan doona dalka Qatar.
Dalal badan oo Muslimiin ah ayaana usoo baxay tartanka kubadda cagta caalamka sida Senegal, Iiraan, Sucuudiga iyo Marooko.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com