Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garawe (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya, Diblumaasiyiin, ayaa gaaray magaalada Garawe.

Wafdiga madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garawe si weyn ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland ,kuxigeenkiisa , wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulkaasi.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa la filayaa in kulamo kala duwan la qaato madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo masuuliyiinta kale ee ku wehlisa safarka , waxa ayna kawada hadli doonaan arrimo dhoor ah ay ugu horeeyaan iskaashi labada dhinac yeeshaan.

Safarka madaxweynaha dowlad deegaanka ku yimid magaalada Garawe ayaa imaanaya xilli maalmo kahor dowlad deegaanka Soomaalida uu tagay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre kulamana lasoo qaatay madaxda maamulkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaad la’aan maanta ka jirta Muqdisho & Suuqyadii lagu iibin jiray oo haawanaya (Sababta)

Caydiid Ali

Faraanti lumay 12-sano kahor oo laga helay meel aan laga fileyn !! (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Masuul kamid noqday dadkii ku dhintay Weerarkii lagu qaaday xarunta maamulka Gobolka Banaadir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---