Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Dhigiisa dalka Luxembourg (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa la kulmay Dhigiisa dalka Luxembourg Mudane Fernand Etgen.

Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay Xoojinta cirirka labada baarlamaan, iyo sidii loo kala faaideysan lahaa tababarada xildhibaannadda iyo shaqaalaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa Baarlamaanka Luxembourg iyo dhigiisa uga mahadceliyey soo dhaweynta balaaran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu dhankiisa xoojinayo xiriirka uu la leeyahay baarlamaannada caalamka isagoo ballan qaaday ineey wada shaqeyn fiican la yeelan doonaan Baarlamaanka Luxembourg.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israa’iil iyo Xisbullaah oo duqeymo culus isugu jawaabay iyo khasaaraha ka…

Cabdi Cade

Booqashada Farmaajo ee Hargeysa, Bilowga, Dhamaadka Gooni-isu-taaga Somaliland!

Cabdi Cade

Mudane Madaxweyne kala saar arrimaha Siyaaada iyo gurmadka abaaraha

admin
Taboola Ads ---