Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Asmara (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madaxda ugu sareysa dalkaasi.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Asmara uga hortagay si weyna ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Eritrea Assias Afwerki iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada dalkaasi.

Madaxweyne Farmaajo soo dhaweynta kadib ayaa isaga iyo wafdiga la socda waxaa loo galbiyay gudaha magaalada Asmara, waxaana la filayaa in halkaasi kulamo kula qaataan Madaxda dalkaasi.

Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Asmara waxa uu wada hadallo la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Asias Afawerki, waxaana diiradda lagu saarayaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dowlad Afrikan ah oo soo saartay Amar Madaxda looga mamnuucayo in ay safraan

Cabdi Cade

Duqa Garowe oo gudoomay qeyb ka mid ah deeq ka timid dowlada Qatar (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirkii Arrimaha gudaha Galmudug oo ka hor yimid xil ka qaadistii lagu sameeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---