Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Goobta & xiliga ay furmayaan wadahadalka dowlada Itoobiya & kooxda TPLF oo la shaaciyey

Midowga Afrika ayaa qorsheeyey in wadahadalada u dhexeeya dawladda Ethiopia iyo kooxda Tigray ee TPLF ay ka dhacaan dalka Koonfur Afrika, bishan October 24-keeda sida laga soo xigtay masuliyiin ka tirsan dowlada Itoobiya.

Wadahadalkan oo dhowr jeer oo hore qabsoomi waayey ayaa la doonayaa in lagu soo afjaro colaadda wakhtiga dheer qaadatay ee ka socotay gobolka woqooyi ee Tigray.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xili maalmo ka hor dawladda federaalka  Ethiopia ay sheegtay inay gacanta ku dhigeen saddex magaalo oo istaraateji ah oo ku yaalla gobolka Tigray, sida magaalada Shire oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee ku barakacay dagaalada ka socda gobolkaas.

Maalmihii la soo dhaafay, waxaa diblomaasiyiintu ay ku boorrinayeen dawladda Ethiopia iyo ciidamada Tigrayga inay isla meeldhigaan xabbad joojin degdeg ah, iyada oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu ka digay xaaladda ka jirta woqooyiga Ethiopia isagoo ku tilmaamay in xaaladdu ay faraha ka sii baxayso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Darawal Bajaaj oo laga soo badbaadiyey Gabar 5 jir ah & afhayeenka Wasaarada amniga oo ka hadlay

Caydiid Ali

Saraakiil Itoobiyan ah oo gaaray Kismaayo & Axmed Madoobe oo..

Caydiid Ali

Akhriso Casharadii Laga Bartay Doorashadii ka dhacday magaalada Dhuusomareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---