Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Safiirka Somalia ee Kambala oo kulan la qaatay Wasiiru dowlaha A/dibadda Uganda (Sawirro)

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda u fadhiya Danjire Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) ayaa kulan kula qaatay magaalada Kampala ee dalka Uganda Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda dowladda Uganda Mudane Oryem Henry Okello.

Safiirka iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay dhowr arrimood ay ka mid tahay xoojinta xariirka labada dal iyo sidii loo dardar galin lahaa fulinta hishiisyadii dhawaan kala saxiixdeen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Uganda.

Sidoo kale safiirka iyo Wasiiru-dowlaha ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo hishiisyadii lagu balansanaa in dhawaan la saxiixo ee kala ahaa socdaalka, waxbarashada iyo caafimaadka

Safiir Cali Cagabaruur ayaa sidoo kale wasiiru-dowlaha kala hadlay caqabado maalmahan lasoo gudboonaaday muwaadiniinta Soomaalida ee Uganda ku nool oo taas oo la xariirtay dhanka hay’adda socdaalka dowladda Uganda ,Labada dhinac ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii laga hadlay sidii wax looga qaban lahaa

Related posts

Dowlad ka laabatay go’aan Haweenka looga mamnuucay Xijaabka & Indha-shareerka

Caydiid Ali

Dragos Tigau oo ka dhawaajiyay hadal meel ka dhac ku ah dadka Afrika iyo Carro ka dhalatay

Cabdi Cade

Maraykanka oo digniin siiyey saddex ka mid ah dowladaha waaweyn

Caydiid Ali
Taboola Ads ---