Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 73 ee 20-ka Okoober 2022, kuna saabsan magacaabid La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoonteeda iyo waayo-aragnimadeed shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa Luul Maxamed Warsame Awad loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka.
Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, Wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
=DHAMMAAD=