Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo booqasho ku jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa baaq u diray shacabka gobolkaas.
Xamse Cabdi Barre ayaa booqday goobihii ku burburay weerarradii dhawaan lala beegsaday xarunta maamulka gobalka, halkaasoo ku naf waayeen dadweyne aan waxba galabsan. Wuxuuna kulamo la yeeshay dadweynaha iyo mas’uuliyiinta gobolka ee hoggaaminaya kacdoonka reer Hiiraan.
“Dadka Reer Hiiraan waxaan leeyahay ha niyad jabina, keligiin ma tihiin. Ummadda Soomaaliyeed ayaa garab iyo gaashaan idiin ah. Waa la idin la joogaa. Horay, gadaal iyo hareerahaba waa la idinka jiraa ee halganka halkiisa ka sii wada”, ayuu yiri RW. Xamse oo farriin guubaabo ah u diray dadweynaha ku dhaqan gobolka Hiiraan oo uu ku tilmaamay in ay “tixraac sharfan” u yihiin ummadda Soomaaliyeed ee xorriyadda jecel.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo safarkiisa ku wehliyeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Golaha Baarlamaanka, ayaa booqashada ku tagey Hiiraan waxay ahmiyad gaar ah u leedahay qorshaha dib-u-xoreynta dalka ee la magac baxay DULMIDIID, maadaama gobolkani yahay halka uu ka curtay halganka hubeysan ee looga soo horjeedo kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, kaas oo durba laga soo hooyey guulo lagu diirsaday sida uu sheegay afhayeenka xukuumada Somalia.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com