Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil sare oo katirsan Daacish oo la Maxkamadeeyay (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta Maxkamadda Derejada koobaad ee ciidamada qalabka sida lasoo taagay labo nin oo la sheegay in ay katirsan yihiin saraakiisha sar sare ee kooxda daacish faraceeda Soomaaliya.

Maxkamada ayaa sheegtay in ragan oo kala ah Mahad Max’ud Cabdi oo Magacyadiisa Af-garashada yihiin (Abtidoon, Abuu-yaasiin) iyo Max’ed Daa’uud Daahir Warsame  oo isagana loo yaqaanno  (Dr,raage) ay xubno ka yihiin kooxda Daacish

Mahad Max’ud Cabdi ayaa maxkamada ciidamada ku eedeesay in uu waday qorshe uu ku aas aasayo garab kale oo Daacish katirsan kana madax banaan Daacishta uu hogaamiyo Sheekh Cabuqaadir Muumin oo ku sugan deegaanada Puntland.

Maxkamada ayaa  sheegtay in Mahad Max’ud Cabdi uu ka yimid dalka Ruushka uuna heesto dhalashada dalkaasi, waxa ay sidoo kale Maxkamada sheegtay in Mahad uu waqti badan kusoo qaatay  dalka Siiriya.

Wax yaabaha gaarka ah oo ay xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen waxaa ka mid ah warqad uu u qoray hogaamiyaha ugu sarreeyo kooxda Daacish, taasi oo uu ku gudbinaya cabashada ay ka wadaan Cabduqaadir Muumin oo hogaamiya Daacishta Soomaaliya.

Dhinaca kale Max’d Daa’uud Daahir Warsame, oo Magiciisa Af-garashada yahay  (Dr,raage)  ayaa isna lagu eedeeyay in uu ahaa madaxa maaliyadda kooxda, sidoo kale  ahaa caawiye xagga caafimaadka ah ayaa cadeymaha Maxkamadda lala keenay waxaa ka mid ahaa Akoonada Lacageed ee uu isticmaalay iyo shirakidihii uu ka isticmaali jiray Lacagaha.

Farsoomyinka ay ka mid yihiin kala badalidda xawaaladaha, Sameynta akoonno kala duwan oo loo  sameeyay qaab-caawimaad iyo iska daba wareejinta sharikadaha in uu cadeeyo Hey’adaha uu sheeganayo shaqadooda iyo sharciyadda ay ku shaqeeyeen balse uu arrintaasi ah ka leex-leexday.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Ciidamada qalabka Sida Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa maxkamdda ka codsaday in la mar-siiyo ciqaab u dhiganto  qodobada ay ku soo eedeeyeen, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in dil-toogasha ah.

Qareenada u doodayay eedeysanayaasha  ayaa  maxkamadda ka hor sheegay  in aysan wakiiladooda   diidaneyn ka mid ahaanshiyaha kooxda Daacish balse ay ka  laabteen fikirkaas, sida mid ka mid ah qoraalkiisa cadeymaha uu ku cadeeyay hor-joogayaashan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koobaad ee Ciidamada Qalabka Sida  G/sare  Xasan Cali Nuur Shuute ayaa  soo xiray fadhiga Maxkamadda, waxa uuna u sheegay dhammaan ka qeyb-galayaasha in Maxkamadda ay go’aanka dib ka soo saari doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Al Shabaab oo shaacisay Magaca iyo Qabiilka ninkii hogaaminayay Weerarkii Kismaayo

Cabdi Cade

Ogeysiis Muhiim ah oo loo hayo Bulshada Soomaaliyeed ee kunool Qurbaha

Cabdi Cade

Somalia & Ruushka oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $640 Million (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---