Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Biden oo qaadaya talaabo lagu dhabar jebinayo go’aankii OPEC+ iyo Sacuudiga

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa qorshaynaya inuu fasaxo in illaa 15 milyan oo foosto oo shidaala, in laga soo saaro goobaha kaydka ee Shidaalka Maraykanka.

Talaabadan ayuu doonayaa inuu kaga jawaabo go’aankii ururka ay ku bahoobeen dalalka soo saara shidaalka ee OPEC+, kuwaasoo go’aansaday in marka la gaaro bisha November ay hoos u dhigaan wax soo saarkooda.

Biden ayaa sheegay inay sidoo kale jiraan, tallaabooyin lagu kordhinayo, shidaalka uu Maraykanku iib geeyo, marka la gaadho xilliga Jiilaalka.

Maamulka Biden ayaa haatan isku dayaya inuu xakameeyo sicirka shidaalka ka hor inta aan la gaarin, doorashooyinka xilliga dhexe ee la filayo inay Maraykanka ka dhacaan bisha November ee innagu soo aaddan.

Masuuliyiin magacooda qariyey ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP, in madaxweyne Biden uu goordambe oo Arbacada ah la hadlayo shacabka, si uu faahfaahin uga bixiyo habka loo marayo soo saarista shidaalka dheeriga ah ee ku jira goobaha kaydka ah ee Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka gobolka Banaadir oo soo saaray go’aan lagu xoojinayo amniga (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in aysan dhayalsan Digniinaha loo dirayo

Cabdi Cade

Daawo Sawirro: Maxkamad saakay Go’aan ka gaartay Dacwadii u dhaxeysay Aadan Barre iyo Faarax Macalin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---