Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo taageero u muujisay Sacuudiga oo khilaaf uu kala dhexeeyo Mareykanka

Dowlada Somalia ayaa taageertay sharaxaaddii ay boqortooyada Sacuudiga ka bixisay go’aanka OPEC+ ee hoos loogu dhigay wax soo saarka saliida caalamka.

Bishan October, kulan ay yeesheen dalalka ku bahoobay OPEC+ oo ay hormuud u yihiin Sucuudiga iyo Ruushku ayaa ku heshiiyey in illaa 2 milyan oo foosto maalintii in hoos loo dhigo shidaalka ay soo saaraan dalalkani marka la gaadho bisha November. Tallaabadaas ayuu aad uga carooday Maraykanka, waxaana ay saamayn ku yeelatay xiriirka labada dal ee Sucuudiga iyo Maraykanka.

Maraykanka ayaa ku eedeeyey ururka OPEC+ inay u janjeersadeen dhinaca Ruushka, isla markaana uu go’aankoodu ku salaysan yahay arrimo siyaasadeed iyo inuu u faa’iideeyo dalka Ruushka.

Sacuudiga oo ka jawaabaya eedaymahaas ayaa sheegay in go’aanka OPEC+ uu yahay mid dhaqaale oo dalalka xubnaha ka ah ay qaateen iyagoo isku dheeli tiraya shidaalka lasoo saaro iyo dalabaadka suuqyada caalamka

Somalia oo ka duuleysa khilaafka arrintan ka dhashay ayaa la safatay Sacuudiga.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay garab is-taag u muujineysaa boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sacuudiga sharaxaaddii ay ka bixisay go’aanka ururka OPEC+ uu ku dhimay wax soo-saarka si looga fogaado qalqalka suuqa saliidda caalamka,” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo ka duceysatay kumanaan qoys oo ku nool duleedka Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo abaalmarino qaali ah bixiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka NISA oo xabsiga u taxaabay samafale Cali Khadaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---