Allbanaadir.com
NEWS

Wasiiro iyo dad kale oo ku dhintay shil diyaaradeed (Daawo Sawirada)

Shil diyaaradeed ay ku dhinteen Wasiirkii Beeraha dalka Dalka Paraguay iyo kuxigeenkiisa ayaa ka dhacay Magaalada Ayolas, waxaa sidoo kale shilkan diyaaradeed ku dhintay duuliyihii diyaarada iyo qof kale.

Madaxa hay’adda duulista Hawada ee Dalka Paraguay ayaa sheegay in qaar ka mid ah bur-burkii Diyaaradda laga helay goor hore meel 6-km ama (3.72 miles) u jirta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Ayolas, ka dib baaritaan socday 14 Saacadood.

Shilkan waxaa ku dhintay Wasiirkii beeraha dalka Paraguay  Luis Gneiting iyo kuxigeenkiisa Luis Aguirre, waxaana socda baaritaano ku aadan waxa sababay shilkan diyaaradeed ee ka dhacay magaalada Ayolas.

Dalka Paraguay ayaa looga dhawaaqay sadex maalin oo baroor diiq ah oo bilaaban doonta maalinta isniinta oo la filayo in lasoo gabo gabeeyo aaska loo sameenayo wasiirada iyo dadka kale ee shilka ku dhintay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Muuse Biixi oo Isbitaal ku booqday Askar ku dhaawacantay dagaalka Laascaanood (Sawirro)

Cabdi Cade

Somalia oo ashtako ku saabsan khilaafka Badda ee Kenya u dirtay Q/Midoobay

Caydiid Ali

Dowlada Qatar oo shaacisay xiliga ay bilaabeyso dhismaha dekeda Hobyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---