War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda dekadaha , ayaa looga hadlay cabasho ka timid qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee alaabaha kala soo dega dekadda Muqdisho, kuwaa oo sheegay in xogta alaabahooda si hoose loola wadaago Al Shabaab.
Wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka ayaa sheegtay in ay soo gaartay cabasho ka timid qaar kamid ag ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaa oo cabanayay in shirkadaha bixiya adeegga maraakiibta iyo shirkado ka howlga dekadda oo xogtooda sii gudbiya.
Warka kasoo baxay wasaaradda ayaa digniin adag loogu diray shirkadaha bixiya adeegga Maraakiibta iyo Hay’addaha dekadda ka howlgala, waxa ayna wasaaradda sheegtay ciddii lagu hela falkan in loo aqoonsanayo kuwa la shaqeeya Al Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com