Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Guddoomiyihii Degmada Buulaburte oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Wareegto kasoo baxday wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Hirshabelle ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Buulabute Axmed Mahad Nuur, waxaa lagu bedelay guddoomiye cusub.

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle wareegtada uu soo saaray ayuu ugu magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Buulaburte Xasan Maxamed Cabdi, waxa uuna wasiirka faray hay’addaha amniga in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub.

Xil ka qaadista iyo magacaabista guddoomiyaha cusub ee degmada Buulburte ayaa imaanaysa, xilli shalay magaaladaasi ka dhacay qarax dhaliyay khasaaro badan oo dhimasho sidoo kale lagu bur buriyay qeyb kamid ah buundada magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoorqoor oo dalab hordhigay Saraakiisha taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Kulan Sannadeedka Golaha Wasiirrada Ee Dar-dar Gelinta Qorshayaasha Qaranka Oo Furmay

Cabdi Cade

Midowga Musharixiinta oo ka hadlay waxyaabihii ka dhacay Golaha shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---