Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyey Luxembourg (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur( Madoobe) ayaa maanta gelinkii dambe gaaray caasimada Luxembourg City ee dalka Luxembourg,

Waxaa halkaas ku soo dhoweyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Baarlamaanka Luxembourg Mudane Fernand Etgen.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur( Madoobe) iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyey dhigiisa dalka Luxembourg Mudane Fernand Etgen sida loo soo dhoweeyey.

Waxa uuna sheegay inta uu ku sugan yahay dalkan uu kala hadli doono horumarinta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidii labada baarlaman uu u dhexmari lahaa xiriir iskaashi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu horkacayo oo booqanaya qaarada Yurub ayaa booqasho ku maray dalalka Belgium, Austria iyo Netherlands.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada ciidanka Xoogga dalka oo xukun adag ku riday Max’ed Cabdullahi Xaaji

Caydiid Ali

Dayuurada Kenya Airweys oo laga mamnuucay dalka Imaaraadka iyo Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Deni oo shuruudo cusub ku soo rogay Mashaariicda laga fulinayo Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---